Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo xubno kale ayaa maanta ka qayb galay 53 guuradii kaso wareegtay Xoriyadda dalka Burundi..SAWIRRO

July 3, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane  Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali  iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi,   ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay munaasabad lagu xusayay 53-guuradii kasoo wareegtay markii ay xoriyadda qaateen dalka Burundi, taasi oo soo qaban qaabisay safaaradda Burundi ee magaalada Muqdisho.

 Safiirka dowladda Burundi u fadhiya Soomaaliya  Joseph Nkurunziza, ayaa ku dheeraaday halgankii dheeraa ee bulshada reer Burundi usoo galeen xoriyaddooda, isagoona xusay in ay ka go’antahay taageerada iyo dadaalka nabadeyna Soomaaliya ay ka wadaan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

 “Shacabka Burundi waxey fahamsanyihiin muhiimadda ah in wallaal loo gurmado marka uu gurmad u baahanyahay, waana sababta ay ciidamadeenu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan. Somalia waxey istaahishaa nabad iyo xasilooni in dadkeedu helaan. Waxaan sii wadi doonaan dhiigga ay wilasheena reer Burundi u hurayaan dalkooda labaad ee Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Burundi ee Soomaaliya.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa hambalyo u diray shacabka iyo madaxda Burundi, isagoo dhianaca kale uga tacsiyeeyey askartii uga dhimatay weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose.

 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka reer Burundi, wuxuna sheegay dowladda Burundi iyo shacabkeeduba in Soomaaliya ay usoo gurmadeen waqti adag oo taageero iyo isgarab tag ay u baahnaayeen.

 “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burundi ee dhanka amniga. Ciidanka Burundi waxey safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxey  habeen iyo malinba u taagan yihiin sidii cadowga looga sifayn lahaa goobaha ay dalka uga harsan yihiin, bacdamaa ay khatar ku yihiin Soomaaliya iyo caalamka oo dhan. Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii xiriirka labada dal u sii xoojin laheyn.” Ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed  Cumar Carte ayaa dhanka kale  sheegay in dowladda Burundi  ay Soomaaliya u soo gurmatay xili aad u adag, shacabka Soomaaliyeedna aysan marnaba illaawi doonin sida ay dhiigooda ugu hureen si Soomaaliya ay nabad u noqoto.

?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????

 

ShareTweetShare
Previous Post

Olole nadaafadeed oo laga sameeyay gudaha wasaaradda warfaafinta-Sawirro

Next Post

Hey’adda Bisha Cas ee Iiran oo deeq gaarsiisay dad tabaaleysan-Sawirro

Next Post

Hey’adda Bisha Cas ee Iiran oo deeq gaarsiisay dad tabaaleysan-Sawirro

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....