Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul Wasaare Cumar Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

March 13, 2015
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 1 min read
0

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib howlo shaqo ah oo uu ku tagay dalalka Jabuuti iyo Ethopia, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.’

Ra’isul wasaaraha oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo u jiray dalalka Jabuuti iyo Ethiopia ayaa kulamo la soo qaatay madaxda wadamadaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Soomaaliya Dr C/salaan Cumar Hadliye oo qeyb ka ahaa wafdiga Ra’isul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay safarkii Ra’isul wasaaruhu ku tagay wadamada Ethiopia iyo Jabuuti, isagoo sheegay in kulamo gooni gooni ah wadamadaasi ay kula soo qaateen mas’uuliyiinta labada wadan oo dalka Ciidama ay ka joogaan kuwaasi oo ka mid ah ciidamada midowga Africa Ee Amisom iyo xoojinta la dagaalanka Argagaxisada UGUS.

Wadamada Ethiopia iyo Jabuuti oo Soomaaliya daris la ah ayaa waxa ay ka mid yihiin wadamada xiriirka la leh Soomaaliya, iyadoo ciidamo ka socda dalalkaasi oo ka mid ah kuwa midowga Africa ee AMISOM ay joogaan dalka.

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Difaaca Oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii Shaqo Uu Ku Joogay Galgaduud Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Next Post

Wasiirka Difaaca Oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii Shaqo Uu Ku Joogay Galgaduud Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....