Thursday, August 18, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isulwasaaraha Oo Ku Guuleystay In Lagu Soo Wareejiyo Soomaaliya Maxaabiis Boqol Ka Badan Oo Ku Xernaa Ethiopia

July 4, 2017
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xasabsiyada dalka Ethiopia lagu Soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,isagoo dhinaca kalena kulammo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Africa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia.

Ra’isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa ku guuleystay in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo maxabiis Soomaaliyeed oo sanado kala duwan ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia islamarkaana lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,iyadoo dowladda Ethiopia fulinaysay heshiis horay uu Ra’isul wasaaraha Xasan Cali Khayre la galay.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Maxabiistaan o danbiyo kale duwan loo haystay ayaa tiro ahaan garaya 120 Muwaadin waxa ayna bilow wanaagsan u yihiin hirgalinta qorsha Xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo dayso Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka,

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Maxamed Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta qaranka aya sharaxaad ka bixiyey goorta maxabiistan la gaynayo Soomaaliya .

Ra’isulwasaaraha dalka ayaa sidoo kale kulammo kala duwan kula qaatay Addis Ababa Madaxweyne ku xigeenka dalka Masar , Madaxweyne ku xigeenka Botswana waxa ayna dhammaan ugu hambalyeeyeen dowladda Somaaliya horumarka ay samaysay muwadii yarayd ee ay jirtay ayna ka go’antahay in ay xoojiyaan xariirka kala dhexeeya Soomaaliya,

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhaca kale kulan muhiim ah waxa uu kula qaatay Addis Ababa Madaxweynaha bankiga horumarinta Africa waxa uuna kala hadlay in bankiga uu qayb ka qaato horumarka dalka Soomaaliya gaar ahan sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed , dhismaha wadooyin iyo Iskuul wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

Nasra Bashiir Cali Addib Ababa Ethiopia

ShareTweetShare
Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo booqday kaydadka mucaawinooyinka raashinka. “SAWIRRO”

Next Post

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu duqeeyay Shabeellaha Hoose

Next Post

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu duqeeyay Shabeellaha Hoose

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....