Thursday, August 18, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Real Madrid oo Ka Badisay Almeria,Rikoor Cusubna Dhigtay “Sawirro”

December 13, 2014
in Ciyaaraha
Reading Time: 2 mins read
0

Kooxda Almeria ayaa waxaa garoonkeeda Estadio de los Juegos Mediterráneos 1-4 uga badiyay kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa goolka la hor martay,waxana daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Isco.

Related posts

Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay natiijada doorashada Labada Aqal

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

April 1, 2022
5
Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee Degmada Garbahaarey “SAWIRRO”

July 10, 2021
4

Isco celee Iscoo

Ciyaaryahan Verza ayaa daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Almeria.

Ciyaaryahan Gareth Bale ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Real Madrid,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Bale goolBale celeeeBalee celeeGareth celee

Markii leysku laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa gool haye Iker Casillas waxa uu rigoore ka badbaadiyay ciyaaryahan Verza.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Real Madrid.

celee

Cris celee

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa 24-gool ku hogaaminayo gool dhalinta horyaalka Spain ee La Liga.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Real Madrid,waxana uu ahaa goolkiisii 25-aad ee horyaalka Spain ee La Liga.

Ron celee

Kooxda Real Madrid oo uu hogaamiyo macalin Carlo Ancelotti ayaa rikoor cusub dhigtay,waxana ay badisay kulankeedii 20-aad oo xiriir ah.

Kooxda Real Madrid ayaa axada tageyso dalka Morocco,si ay ugu soo ciyaarto koobka naadiyada aduunka ee Fifa World Club.

Kooxda Real Madrid ayaa horyaalka Spain ee La Liga ku hogaamineyso 39-dhibcood,halka kooxda Almeria ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Aguero Iyo Pardew Oo Ku Kala Guuleystay Xiddiga Iyo Macalinka Bishii November Ugu Fiicnaa Premier League-ga “Sawirro”

Next Post

Wasiir Dhuxulow “Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartooyda ugu muhiimsan caalamka.”

Next Post

Wasiir Dhuxulow “Dhalinyarada Soomaaliyeed shaki iigama jiro inay noqonayaan cayaartooyda ugu muhiimsan caalamka.”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....