Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cumar oo daah furay shirkii wada xaajoodka dowladda Fedraalka iyo Maamulka Puntland “SAWIRRO”

April 11, 2015
in Wararka
Reading Time: 4 mins read
0

Garoowe, 11, April, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharma’arke ayaa saaka daah furay shir wada xaajood oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah golihisa Wasiirada iyo Wasiirada Maamulka Puntland, shirkaan ayaa waxaa diirada lagu soo saarayaa dib u eegista heshiisyadii ay wada galeen Puntland iyo Dowlada Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Guddiyada Madaxa banaan iyo shuruucda muhiimka u ah higsiga 2016.

Furitaankii shirka ayaa waxaa hadalo koob-kooban ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo ka wada hadlay muhiimadda uu shirkaan u leeyahay ka miro dhalinta higsiga 2016 iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Maamulka Puntand iyo Dowlada Federaalka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“Puntland waa hooyadii iyo Aabihii Federaalka waxayna markasta diyaar u tahay kana shaqaynaysaa sidii laysugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaase dhacda in mar-marka qaar la yeehso aragtiyo kala duwan, taas ayaana sabab u ah in laysugu yimaado kulamo.waxaa kulankaan qayb ka ah in lays weydiiyo maxaa imaan doona 2016 iyo dowaldnimada dhalanaysa waa noocee, marka waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah looga arinsado, iska waraqab joogto ahna la yeesho” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland..

Ra’iisul Wasaare Cumar oo si rasmi ah u daah furay shirka ayaa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay xukuumadiisa xaqiijinta 2016, taas oo ku imaan karta oo kaliya wada tashi balaaran oo ay ka yeeshan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada ka jira dalka.

“Hadaa nahay Madaxda dowlada federaalka ah waxey masuuliyad naga saaran tahay inaan wada tashiyo dheeraad ah kala yeelano cid kasta oo uu khuseeyo higsiga 2016, si loo helo dastuur loo qaaday afti dadweyne iyo in la helo dib u heshiisiin qaran oo dhamaan gaarta gobolada iyo degmooyinka dalka, wada xaajood kasta oo la yeesho wuxuuu u baahan yahay dulqaad, is faham iyo isu tanaasul, waxaan rajaynayaa inuu is faham iyo heshiis ka soo baxo shirkaan”

“Dhismaha ciidan qaran xukuumadu waxay u saartay gudi ay hogaaminayso Wasaarada Gashaandhiga waana inaan aragti midaysan ka yeelano dhismaha ciidan qaran, waa inaan helnaa ciidan qaran oo soo celiya karaamadii iyo Sharfta Soomaaliya, wadankana gaarsiiya horumar dhanka amniga ah” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kale uga mahadceliyey, reer Puntland sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen Garoowe.

Ugu danbayntii RW ayaa booqashooyin ku soo maray Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xabsiga dhexe iyo xarunta ciidanka Asluubta, Jaamacada PSU oo uga qayb galay bandhig faneed lagu soo badhigay in kabdan 150 buug oo ay qoreen aqooyahano Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale RW Cumar dhagax dhigay Hoteel Casri ah oo ganacsato Soomaaliyeed ka dhisanayaa meel aan ka fogayn madaxtooyada Puntlanad.

—DHAMAAD–

2 3 4 5 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 29

ShareTweetShare
Previous Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Wakiilo ka socda Dowladda Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....