Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW: “Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafis ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha Qaranka”

December 7, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Muqdisho, 7th December, 2014.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey go’aankii xildhibaanda Baarlamaanku ay kalsoonida kala noqdeen xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tibaaxay inuu doonayo in shacabka Soomaaliyeed la qaybsado dareenkiisa ku aadan go’aankii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanku codka kalsoonida ah kala noqdeen xukuumadda.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“Shalay oo taariikhdu ahayd 6-da Diseember 2014, Xildhibaanda Golaha Shacabka waxay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda aan hoggaminayo. Waxaan si kalsooni ku dheehan tahay u soo dhoweynayaa go’aankaas, anigoo si buuxda u aqbalay. Waxaan aad ugu faraxsanahay in goluhu go’aankaas meelmariyey, iyagoo xasiloon oo degan. Waxaan bogaadinayaa guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo si ku dheehan dadaal iyo karti ku daadihinayey kulankii shalay. Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaannada oggolaaday iyo sidoo kale kuwii diiday kalsooni kala noqoshada Xukuumadda. Labada dhinacba waxay si sharaf leh u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.”

“Waxaad ogtihiin in mooshinka kalsooni kala noqoshada uu keenay muran ka dhashay sharci ahaantiisa iyo kala qaybsanaan siyaasdeed, saamayn ballaarana ku yeeshay hawl socodka xukuumadda iyo baarlamaanka. Waxaan si gaar ah u amaanayaa xubnihii baarlamaanka ee muujiyey bisayl una tanaasulay danta dadka iyo badbaadinta Qaranka kuwaasoo aqbalay in la guda galo doodada mooshinka. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyadii uu saameeyey muranka inay wanaag iyo is cafin ku beddelaan khilaafka, wadajirna u wajahaan dardargelinta hawsha qaranka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Xasan Sheikh Maxamuud wada shaqayntii dhex martay mudadii sanadka ahayd.

“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan shaqo baaxad leh wada qabanay muddo sannad ah oo aan xilka hayey. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaday, xubnaha Golaha Wasiirada oo aanu ka wada shaqaynay waxqabad la wada qirsan yahay ee xukuumaddu ku talaabsatay mudadii ay jirtay. Waxqabadkaas waa mid wadareed oo aynu dhammaanteen wada leenahay”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu san marnaba iloobi doonin taageeradii hagar la’aaneed ee shacabka Soomaaliyeed oo ku nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa ay u muujiyeen mudadii sanadka ahayd iyo Beesha caalamka oo mar walba garab taagnayd xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmayaa shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirkooda iyo walaaltinimadooda. “Dalkeenu wuxuu u baahan yahay xasilooni, waxaana lagu gaari karaa marka lagu dhaqmo sharciga. Dadkeenu wuxuu u baahan yahay horumar waxaana lagu gaari karaa isku tashi, amni iyo caddalad.

Soomali ha Noolaato, Soomaliya ha is raacdo.

—DHAMAAD—

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjire Maman S. Sidikou oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee shalay

Next Post

Danjire Maman S. Sidikou oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee shalay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....