Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Cumar C/rashiid iyo qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka oo Muqdisho ku kulmay “Sawirro”

December 19, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kulammo la qaatay safiirrada Somalia u jooga dallaka Jabuuti, Turkiga iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia. Kulamadan ayaa isugu jiray salaan, hambalyo iyo  is-barasho.

Danjirayaashan ayaa soo gaarsiiyay RW Sharma’arke hambalyo ay uga sideen madaxda dalalkooda iyo xoghayha guud ee QM, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowladda Somalia.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Sidoo kale, kulamadan ayaa la isku-dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda dalka iyo sidii xukuumadda uu soo dhisi doono ay wada-shaqayn u dhexmari lahayd, isla markaana horay loogu sii wadi lahaa horumarka ay sannadihii u dambeeyay ee ay Somalia ku tallaabsatay; iyadoo danjirayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabista ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa uga mahad-celiyay wakiilladii uu la kulmay dhambaallada ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab-taagan yihiin dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doonana ay sii xoojinayso cilaaqaadka kala dhexeeya caalamka.

Ma ahan markii ugu horreysya oo uu Cumar C/rashiid kulan la qaato wakiillo caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo Khamiistii shalay kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6)

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Dalka

Next Post

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Dalka

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....