Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanad guuradii 55 aad ee Ciidan Cirka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

February 15, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Munaasabada 55- Sano Guuradii ka soo wareegatay Markii la aas aasay Ciidanka Cirka Soomaaliya oo qeyb ka ah Ciidanka Xooga Dalka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,Wasiira Cusub ee Gaashaandhiga Gen Cabdul qaadir Sheekh Cali Diini, Abaanduulaha Ciidanka Xooga, Ahna Ku simaha taliyaha, iyo Taliyaha Ciidanka Badda, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka ayaa waxaa ay Munaasabada ku soo bandhigeen Gaada ka ciyaar Qurux badan, iyadoo Ciidanka baambeyda Xooga Dalka ay qayb ka ahaayeen Munaasabada Mas’uuliyiinta ayaana Salaan ka qaatay Ciidanka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot) Khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay taariikhda Ciidanka Cirka iyo marxaladihii uu soo maray iyo sida hadda uu yahay wuxuuna uu hoosta ka xariiqay in ciidanka cirka uu u baahan yahay dib u dhis xoog leh taasi uu sheegay in marnaba aan riyo lagu dhisi Karin laakiin loo baahan yahay dadaal xoog leh.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyee ahna ku simaha Taliyaha Sareeyo Guuto C/risaaq Khaliif Cilmi oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ciidanka Cirka iyo xaasaskooda, isagoo ka hadlay qorshaha ay ku doonayaan in dib ay u dhisaan ciidanka Cirka oo ah lafdhabarka dowladda Soomaaliya.

Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliya oo u dabaal dagaya 55-sano guuradii ka soo wareegatay Aas Aaska Ciidankaasi, isagoo u rajeeyay Taliska Ciidanka Xooga in uu horumariyo Ciidanka Cirka Soomaaliya, wuxuuna dhinaca kale uu muujiyay in si wadajir ah munaasabadaasi ay kaga qeyb galaan isaga iyo wasiirka xilka la wareegaya C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Gaba gabada munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay Wasiirka cusub ee xilka la wareegaya Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo u hambalyeeyay ciidamada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Cirka uu ku tilaabsaday, isagoo sheegay in ciidanka uusan aheyn laba sano ka hor sidii uu ahaa.

ShareTweetShare
Previous Post

Guddiggii colaada Guriceel oo sheegay in ay meel wanaagsan u marayso howlaha nabadeynta ah

Next Post

Wasiirada Cadaalada,Dastuurka iyo Waxbarashada oo maanta la wareegay xilalkooda”SAWIRO”

Next Post

Wasiirada Cadaalada,Dastuurka iyo Waxbarashada oo maanta la wareegay xilalkooda"SAWIRO"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....