Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaale ka tirsan Hay’adaha Maaliyadda dowladda oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

December 10, 2014
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xirtay qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha dowladda, gaar ahaan waaxaha Maaliyadda, kuwaas oo la barayay casharo la xiriira maareynta iyo kobcinta aqoonta shaqaalah ka howlgala, waxana xiritaanka tababarka ka qeyb galay Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Siihayaha Wasiir-u- dowlaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ugu horeyntii, waxaa mubaasabadda xiritaanka tababarka ka hadlay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah siihayaha Wasiiru-dowlaha, waxaana uu tilmaamay in muhiimaddu  ay tahay inaan shaqaalaha  culeys lagu saarin shaqada oo kaliya, balse loo sameeyo kobcin iyo aqoon kororsi joogta ah si ay u gutaan shaqooyinka loo igmaday.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan, kuna dabaqaan shaqada ay ummada u hayaan, midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka.

Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadda ay wado qorshayaal ujeedadiisu tahay in kor loo qaado hufnaanta iyo furfurnaanta hannaanka miisaaniyadda Qaranka, in si wanaagasn looga shaqeeyo isku-dheelli-tirka miisaaniyadda iyo in kor loo qaado miradhalka kharaashaadka dawladda.

20141210_112736 20141210_112748 20141210_113017 20141210_113104 20141210_113309 20141210_113848 20141210_113907 20141210_113937

 

ShareTweetShare
Previous Post

Danjire Nicholas Kay oo ka hadlay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....