Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar Ku Saabsanaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka Ah Oo Loo Soo Xiray Shaqaala Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

March 25, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsanaa hirgelinta Nidaamka federaalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Arrimaha gudaha, hay’adaha UNDP iyo UNSOM.

Siminaarka oo socday muddo labo ciso ah ayna ka qeyb galeen 32 shaqaale oo ka tirsan waaxda federaalka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu baranayay hirgelinta nidaamka Federaalka ah, dib u heshiisiinta iyo wada hadal Qaran, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Ku-xigeenka Agaasimaa guud ee barnaamijka horumarinta ee hay’adda UNDP David Akopyan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka xiritaanka siminaarkani, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay dowladda gacan uga siin lahaayeen hirgelinta nidaamka federaalka ah.

Agaasimaha xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdifataax Cali Xasan ayaa sheegay in waxbadan laga faa’iiday siminarka, ayna joogteyn doonaan sidii siminaarada noocaan oo kale ah loogu qaban lahaa shaqaalaha waaxyaha kale duwan ee Wasaaradda.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iiday siminaarka ayaa daboolka ka qaaday inay ku dadaalayaan sidii ay u dhaqangelin lahaayeen waxyaabihii ay ka faa’iideen siminaarka.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in siminaarkani uu yahay wejigii koowaad ee lagu baranayay federaalka iyo dib u heshiisiinta, islamarkaana wajiga labaad la qaban doono 14-ka bisha April.

Siminaarka ayaa laga soo saaray qorshe howleed ku saabsan sidii lixda bil ee soo socota loo sameyn lahaa dhameystirka iyo dhismaha dowlad goboleedyada dalka.

ShareTweetShare
Previous Post

Wafdi Ka Socda Bankiga Islaamka Oo Gaaray Kismaayo Iyo Balanqaadyo Ay Sameeyeen

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Bay Oo Kormeeray Mashaariicyo Beydhabo Ay Ka Wado Hey’adda DDG

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Bay Oo Kormeeray Mashaariicyo Beydhabo Ay Ka Wado Hey'adda DDG

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....