Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo 29 Sano kadib dib ugu biirtay Urur Goboleedka Bariga ee la dagaalanka Ayaxa ee loo yaqaano (DLCO-EA).

October 11, 2019
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3
Waxaa duleedka magaalada Addisababa Bishoftu Itoobiya, kusoo gababoobay shirkii  64-aad Wasiirada Beeraha Bariga Africa ee   ee Ururka Bariga Africa ee la dagaalanka Ayaxa Saxaraha(DCL0-EA) 10th-11th October 2019. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib ugu biirtay ururka kadib 29 sano oo ay banaanka ka ahayd iyadoo 1991 kii kadib aysan qayb ka ahayn shaqooyinka ururka goboleedka DLCO-EA.

Wasiirka Beeraha Dowlada Federalka Itoobiya Dr.Sani Redi Ahmed oo ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka ee sanadkaan iyo Agaasiimaha Guud ee Ururka Dr.Stephen W.Njoka,ayaa si rasmi ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu soo noqotay ururka DLCO-EA ee la dagaalanka Ayaxa guurguura ee lama dagaanka,iyadoo ay heli doonto adeegyada ururka u qabto dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka DLCO,

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo Shirkaan ka qayb galay ayaa si rasmi loo gudoonsiiyay xeer-asaaska Ururka kaasoo si rasmi Soomaaliya dib uga mid noqon doonto  Ururkaan oo taariikh weyn kuleh gobolka ayaa waxaa la aasaasay 1962 iyadoo Soomaaliya ay xubin buuxda ka ahayd ilaa markii la aasaasay iyadoo uu xarumo waaweyn ku lahaa Soomaaliya.

Ayaxa iyo Shimbiraha ayaa waxay ka mid yihiin dulimada hayaama dhib weyna ku haya beeraleyda Soomaaliyeed.

Ayaxu wuxuu dhib weyn ku hayaa goboladda Awdal, Bari iyo Sanaag. Halka Shimbiraha dhib weyn u geysteen dhammaan  goboladda koonfureed  Gu’gii aan soo dhaafney ayna  dhibaata weyn u geysteen Bariiska iyo Masagada.

Hadaba, dib ugu biiridda Urur goboleedkaan  waxay Soomaaliya u fududeen doontaa helida adeegyada ay u baahnaayeen beeraleyda Soomaaliya, taas oo yereen doonta khasaaraha beeraleyda Soomaaliya uga imaan jirey Ayaxa iyo Shimbiraha.

DLCO-EA ayaa waxay leeyihiin diyaarado u diyaarsan la dagaalanka ayaxa iyo shimbiraha

ShareTweetShare
Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya

Next Post

Shaqooyin ka banaan wasaaradda Difaaca dalka.

Next Post

Shaqooyin ka banaan wasaaradda Difaaca dalka.

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....