Monday, August 8, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo Qorsheyneysa Soo Nooleynta Dalxiiska Dalka “SAWIRRO”

June 15, 2017
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Madrid, 15 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo La-Taliyaha Dalxiiska Yasir Baffo ayaa gaaray magaalada Madrid ee dalka Spain oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa kulamo la qaadan doona Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Spain. Ujeedada booqashada Wasiirka ayaa ah dardargelinta Qorshaha dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka Spain iyo Soomaaliya.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wasiir Yarisow ayaa yiri “Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxey wadaa qorshihii dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka, tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa fursad aan dooneyno in Soomaaliya ay door ku yeelato Hay’ada Dalxiiska Caalamiga bacdamaa dalkeenu uu leeyahay fursad qaali ah oo ku habboon dalxiiska.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa inta uu joogo Madrid, Spain waxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka socota dalka Spain si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

ShareTweetShare
Previous Post

Fursad Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Amniga Gudaha ee DF Soomaaliya.

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka War bixiyey Safarka Uu Ku Joogo Magaalada Madrid Ee Dalka Spain “DAAWO”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka War bixiyey Safarka Uu Ku Joogo Magaalada Madrid Ee Dalka Spain "DAAWO"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....