Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Addis Ababa “SAWIRRO”

November 22, 2019
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

La- Taliyaha Sare ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane, Mahad Cabdi iyo Khubaro ka socotay Xarunta Aqoonsiga Norway (Norwegian ID Center) ayaa maanta magaalada Adis ababa ugu soo xiray tababar u socday mudo todobaad ah saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Soomaaliyeed (Federal Identification Registration Agency). (FIRA)

La-taliyaha sare ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Mahad Cabdi, ayaa uga horeyn uga mahadceliyay Xarunta Aqoonsiga Norway (Norwegian ID Center) oo iyadu soo qaban qaabisay tababarkan ay Saraakiisha Hey’addu ku baranayeen casharo ku saabsan Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Bulshada (ID and Civil Registration).

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Xatunta Aqoonsiga ee Norway iyo La-taliyaha sare ayaa ugu dambeyn si wadajir ah waxay shahaadooyin  ugu gudoonsiiyeen Saraakiisha tababarkan loo soo xirayay, iyagoo kula dardaarmay in aqoonta ay ka kororsadeen mudadii todobaadka aheyd ee ay ku guda jireen tababarka ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ka hayaan Xarumaha Hey’adaha ay ka kala yimaadeen, islamarkaana waxa ay sidoo kale uga baaqeen iney uga faa’ideeyaan Saraakiisha kale ee aan Tababarkan nasiibka u yeelan ee ay uga soo tageen Xarumahooda shaqo.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Munaasabad loogu duceeynayay Wakiilkii Akadeemiyad Goboleedka (AGA) ee Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo qado sharaf u sameeyay goleyaasha kala duwan ee Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo qado sharaf u sameeyay goleyaasha kala duwan ee Puntland "SAWIRRO"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....