Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo sagootiyay cayaartooyda kooxda Heegan

July 15, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo saraakiil kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ay ka sagootiyeen kooxda kubadda cagta ee Heegan oo ka qeybgalaysa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo dhowaan ka furmaya dalka Tanzania.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay cayaartooyda Kubadda cagta Heegan ee ciidanka booliiska, kuwaas oo cayaaraha Bariga iyo Bartahmaha Afrika uga soo qayb gali doono dalka Tanzania.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Taliyaha ayaa kula  dar-daarmay dhammaan cyaartooyda ka qayb galaya tartanka inay muujiyaan  aqlaaq wanaag, islamarkaana ay guul u soo hooyaan Qaranka .

Guddoomiyaha Naadiga Heegan ee Ciidanka Booliska Maxamed Ibraahim Cabdi Diyeeshe ayaa sheegay in bixitaanka cayaartooydaan uu gacan weyn ka qaatay Taliyaha ciidanka booliiska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xamuud, isagoo uga mahad celiyay Dadaalkiisa uu ku bixiyay heerka maanta ay joogaan kooxda kubadda cagta Heegan.

Qaar ka mid ah cayaartooyda u amba baxay maanta Dalka Tansaniya ayaa iyaga oo ka hadlayay dareenkooda waxa ay dhammaan u mahadceliyeen taliska Booliiska, iyaga oo rajeeyay in guul wanaagsan ay u soo hooy doonaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn taliyaha howgalinta ciidanka booliska Jeneraal Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ay dhiirigelinayaan cayaartooyda, si niyad wanaag  ay uga qayb galan tartanka bariga io bartaha Afrika ee lagu qabanayo dalka Tanzania.

Kooxda kubadda cagta ee Heegan ayaa ah kooxda ku guuleysatay horyaalka heerka koowaad ee dalkeena, waxaana uu dalka Tanzania ka furamayaa 18-ka bishan.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu Addis Ababa shir caalami ah uga soo qeyb galay “SAWIRRO”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....