Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo beeniyay in Ciidammadu ay ka baxeen deegaanka Ceelka Geelow

October 15, 2019
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Saalax Muumin Muuse (Saalax yacquub) oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada ay ka soo baxeen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in uu hadda ku suganyahay mid ka mid ah deegaannada, qaar ka mid ah Warbaahinta madaxa banaan ay maanta sheegeen in Ciidamadu ay iskaga baxeen, kuwaasoo uu ka mid yahay deegaanka Ceelka Geelow,isagoo sheegay in ay sameeyeen ilaa 5 koontarool oo Ciidamadu ay ka sugayaan ammaanka Wadadda u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Janaraalka ayaa shacabka ku nool deegaanadaasi uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada,isagoo xusay in shacabku ay kusoo war geliyeen dhowr jeer kadib markii ay arkeen maleeshiyo ka tirsan argagaxisada oo Miino ku aasayay Wadadda si ay ugu waxyeeleeyaan dadka rayidka ee ku safro wadaddaas.

Janaraal Saalax Muumin Muuse ayaa tilmaamay in ay Ciidamadu isku diyaarinayaan weeraro ka dhan ah Maleeshiyada Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada farakutiriska ah ee ay kaga suganyihiin Gobolka Shabeellaha dhexe,si ay uga dul qaadaan dhibaatada ay ku haayaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Saraakiil ka socotay Madaxtooyada oo shir wada tashi la qaatay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Next Post

Somali Foreign Minister receives IOM Regional Director for East and Horn of Africa

Next Post

Somali Foreign Minister receives IOM Regional Director for East and Horn of Africa

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....