Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Onkod “7-Maleeshiyo ayaan ku kharijinay howlgalki aan sameynay” SAWIRRO

July 11, 2015
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 2 mins read
0

Lix ka tirsan Maleshiyaadka kooxda Shabaab ayaa lagu khaarijiyey Howlgalki Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Onkod iyo kuwa booliska ay sida wada jirka ah uga fuliyeen Maleshiyaadki soo weeraray Hotel Wehliye, Sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiye sarkaalka hogaaminaayey Howlgalkaas.

Sargaalka ayaa hadalka intaas ku sii daray in midkii todobaad uu isku qarxiyey Hotelka banaankiisa oo ay guud ahaan tirada maleeshiyaadka la dhimatay ay noqoneyso 7 maleeshiyo.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo ku sugan Hotel wehliye oo isna la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadu ay soo gabo gabeeyeen howgallo ay ka fuliyeen Hotel Wehliye, halkaasi oo ay kolkii hore ay difaac xoogan muujiyeen ciidamadii Ilaalada ka ahayd Hotelka.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada amniga ay iminka gacanta ku hayaan Hotel Wehliye, halkaasi oo ay dil u geysteen dhamaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale ciidamada ayaa iminka howgallo ka wada Hotel Siyaad halkaasi oo ka mid ah goobaha ay argagixisadu weerarka ku soo qaaday.

Maleeshiyadkaan ayaa weerarka ku soo qaday shacab si nabad ah ku soomay maanta xiligasna afur u fadhiya, Culimada ayaa sheegay in qof muslim ah oo sooman bishi Ramadaan in la soo weeraro oo la dhibaateeyo ay tahay Allah iyo Rasuulkiisa wax looga fogaanaayo, laguna muteysanaayo ciqaab aad u adag, balse maleeshiyada khawaarijta ayaa qaatay fahan khaldan oo ka soo horjeeda shareecada Islaamka.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Maleeshiyad ka tirsan kooxda Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday goobo ay ku afurayeen Dad Shacab ah,

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Mquqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Mquqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....