Saturday, June 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Dowladda federaalka ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Dhuusa mareeb{SAWIRRO}

March 30, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska ra,iisul wasaaraha Somalia Cabdi Raxmaan Kulmiye Xersi uuna sidoo kale ka mid yahay danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Mudane Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud halkaa oo uu maanta gaaray wafdigaasi.

Wafdiga ayaa waxaa munaasbaad soo dhaweyn ah loogu sameeyay wafdiga xaruntii dhawaan uu ku soo idlaaday shirkii dib u heshiisiinta beelaha daga gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ku taala magaalada Dhuusa mareeb iyadoo ay ka qayb galeen mas,uuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka eee ka qayb galay shirkii halkaa ku soo idlaaday dhawaan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Gudoomiyaha degmada Dhuusa mareeb Macalin Cabdi raxmaan Cali Geeda qorow waxaana uu sheegay in si weyn uu ugu soo dhaweynayo magaalada wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ee halkaa gaaray.

“waxaan rabaa walaalayaal anigoo ku hadlay codkeyga iyo codka dadka dagan magaaladaan ku soo dhawaada niyad san iyo gacmo furan waxay noo tahay farxad in aad na soo booqataan dadkaani waa dad samaha jecel diyaarna idiin ah”ayuu yiri gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hadlay munaasbaadaas lagu soo dhaweynayay wafdiga gaaray Dhuusa mareeeb ayaa waxaa uu sheeegay in bulshada ku dhaqan gobolada Mudug iyo galgaduud iyaga oo isku duuban ay soo dhaweynayaan wafdiga halkaa gaaray ayna qayb ka yihiin wafuud dowladda Federaalka ah ka socota oo dhawaanahaanba gobolka gaarayay.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay munaasabada danjiraha Soomalaiya u fadhiya dalka Ethiopia mudane Axmed Cabdi salaan Xaaji Aadan oo uga mahad naqay bulshada soo dhaweysay isaga iyo mas,uuliyiinta kaleba sida qiimaha badan ee ay magaalada ugu soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in sababta uu gobolka u tagay ay tahay in la dar dar galiyo howlaha maamul u sameynta goboladaas ee ka socda gobolka.

“Runtii anigu gobolka horana waan u imid hadana waxaan u imid in aan adinka idin dhageesto wax badana idinka barto waxaan rabaa in aan howshii aad wadeen gacan sii siiyo siina xoojiyo shaqadii socotay”ayuu yiri danjiruhu.

1 2 3 4 5

ShareTweetShare
Previous Post

Shir Dib U Heshiisiin Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Hiiraan Oo Beledweyne Ka Furmay

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 30 03 2015

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho 30 03 2015

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....