Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri ay ciid tahay

July 16, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta  Sheekh Kheyroow Aadan oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalin ciid ah,  isla markaana Ummadda ugu hambalyeeyay bilasha 1-da bisha Shawaal.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, kuna sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalo 100 km u jirta laascaanood lagu arkay bisha, isla markaana ay wareysteen oo uu xusay inay yihiin dad lagu kalsoonyahay.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Sidoo kale muwaadin kale oo ku sugnaa gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in 11 qof oo uu ku kalsoonyahay ay arkeen bisha, isla markaana ay tahay maalin ciid ah beri oo jimco ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in culimada xiriiro kala duwan oo ay sameeyeen ay u cadaatay in beri ay tahay maalin ciid ah.

Muwaadin kale oo bare ah iskuul ku yaalla degmada Kaaraan ayaa sheegay in u arkay bisha, isla markaana markii uu arkay ay u suurta gashay in uu tusiyo ilaa iyo lix qof oo kale , si ay xaqiiqsadaan aragta bisha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta ayaa xusay in Wasaaradda oo kaashaneysa culimada Soomaaliyeed ay beri tahay 1-da bisha Shawaal oo ah maalinta ugu horeyso ciidul fidriga, isagoo bulshada uga digay in waxyaabaha ka baxsan shareecada ay ku soo dhaweeyaan bilasha bisha Shawaal.

Guddoomiyahay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna dhankiisa Ummadda ka codsaday inay ka faa’iideystaan tukashada ciida, isla markaana si Islaami ah loogu ciido, lana joojiyo bandhig faneedyada lagu soo dhaweynayo ciidda.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynta Guddoomiyaha Majmaca Soomaaliyeed ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego, isla markaana qofka Muslimka ah jidka uu ku yimaado Masjidka jid aan ahayn uu ku laabto, taasi oo uu ku tilmaamay in ay wadato ajir fara badan.

Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimada la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyaan, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Wasaradda Qorsheynta “bulshada gacan hanaga siiso tirakoobka dadka Soomaaliyeed oo saxan”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fitriga “Dhageyso”

Next Post

Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fitriga "Dhageyso"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....