Thursday, August 18, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda waxbarashada oo dugsi ka furtay Cadale

July 22, 2017
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Wasaaradda waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa degmada Cadale ee gobolka Shabeela dhexe waxaa ay ka hirgalisay dugsi hoose iyo dhexe kasoo ay wax ka baran doonaan carruurta Soomaaliyeed ee ku nool degmadaasi.

Iskuulka oo ka kooban dugsi hoose iyo dhexe isla markaana si lacag la’aan ah wax loogu bari doono caruurta degaanka ayaa laga hirgaliyay magaalada Cadale ee gobolka Sh/dhexe oo aan hore u laheyn goobo waxbaarsho tan iyo bur burkii dowladii dhexe,waxaana dhismaha dugsigan iska kaashaday Midowga Yurub iyo hay’adda ADRA oo ka shaqeysa horumarinta waxbarashada oo gacan ka helaya wasaaraaradda waxbarashada dowladda federaalka ah.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Waxaana  munaasabadda furitaanka dugsiga ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Waxbaarshada dowlad goboleedka Hirshabelle,gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Sh/dhexe maamulka degmada Cadale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalin oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dadka ku nool degmada ay si weyn uga faa’iideysna doonaan iskuulka loo furay  oo ah mid si lacag la’aan ah wax looga baranayo.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Abuukar Sheikh ayaa xusay in horumarinta iyo dhiirigelinta waxbaasrhada ay qeyb tahay waxyaabaha uu mudnanata siinayo maamulka Hirshabelle.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ku guuleysatay qorshe Sacuudiga loogu dhoofinayo 1 Milyan iyo boqol neef oo ari ah

Next Post

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Hobalada Waaberi-Sawiro

Next Post

Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay Hobalada Waaberi-Sawiro

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....