Saturday, June 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeeenka caafimaadka oo xariga ka jaray Qaybta Dhimirka Isbitaalka Laansareeti oo dib u dhis lagu sameeeyay

April 8, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Mudo 25 sanno ka dib ah ayaa waxaa dib loo howlgaliyay Isbitaalkii Forlaniini ama laansareeti oo ku yaala Degmada Cabdi casiis ee Gobolka Banaadir qaybtii  qaabilsaneed Cudurada Dhimirka waxaana Dayactir ku sameeyay qaybtaas oo maanta uu xariga ka jaray wasiir ku xigeeenka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Shirkada Dahabshiil oo ka mid ah Shirkadaha ganacsiga ee dalka ka jira.

Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan mas,uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaas ayaa waxaa ay ku soo wareeegeeen qaybaha uu ka koobanyahay isbitaalka waxaana warbixin ka siiyay dib u dhiska iyo adeegyada uu qaban doono maamulka isbitaalka .

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Agaasimaha Qaybta dhismaha lagu sameeyay ee Isbitaalka laansareeeti Drs Faadumo Cabdi Macow ayaa waxaa ay ka codsatay Hay,adaha iyo shirkadaha Ganacsiga in ay qayb ka qaataan daryelka dadka dhimirka la.

Gudoomiyaha degmada Cabdul Casiis Cusmaan Muxidiin Cali Cariif oo isna ka hadlay furitaanka Isbitaalka Laansareeti qaybtiisa Dhimirka ayaa waxaa uu sheegay in maamul ahaan ay gacanweyn ka geysanayaan in isbitaalka uu shaqeeyo isla markaana ay diyaar u yihiin in dhinacyada amaanka iyo nadaafada ay gacanweyn ka geestaan .

Wasiir ku xigeeenka  Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya mudane Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo oo gabagabadii ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in muhiimad weyn ay u tahay wasaaradda iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed in dib loo howlgaliyo 25 sanno ka dib isbitaalka laansareeeti waxaana uu ugu baaqay shirkadaha iyo hay,adaha in ay doorkooda ka qaataan.

“Sharafweyn waxaa inoo ah in aan ka soo qayb galno furitaanka Qaybta Dhimirka Isbitaalkii Laansareeti oo dib u dhis lagu sameeyay runtii mahad ayaan u celinayaa shirkadda Dahabshiil oo distay shirkadaha kalena waxaan leeyahay doorkiina qaatay oo bulshada adeeegyada loo qabanayo kaalin ka qaata”ayuu yiri Mudane Daalo.

ShareTweetShare
Previous Post

Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Cadaaladda Turkiga iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar” Sawirro”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka Usoo Xeray Kulan Howleed Kampala Uga Socday “SAWIRRO”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....