Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya “Sawirro”

July 23, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Muqdisho, July 23, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Maj. Gen. (Rtd.) Lucas Kyonze Tumbo .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa waxa ay xuseen horumarka uu gaaray xiriirka taariikhiga ah iyo midka derisnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya .

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu si rasmi ah u bilowday December 11, 1963 .

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

DSC08266 DSC08286 DSC08287 DSC08288 DSC08297 DSC08302 DSC08303 DSC08305

ShareTweetShare
Previous Post

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Ka Jeediyay Xafladda Caleema Saarka Madaxaweynaha Maamulka Galmudug 

Next Post

Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyay Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Soo Hooyeen

Next Post

Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyay Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Soo Hooyeen

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....