Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”

February 14, 2015
in Wararka
Reading Time: 3 mins read
0

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed “Odowaa” oo ay ka qeyb galeen Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Hanti dhawrka guud, howlwadeenada Wasaaradda iyo xubno kale laguna qabtay Muqdisho ayuu hay’adaha samafalka ugu baaqay in dadkii ka barakacay Guriceel gurmad la gaarsiiyo.

Agaasimaha Maamulka iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Nuur Maxamed Diiriye oo ku hadlayay magaca shaqaalaha ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda, isagoo xusay in Wasiirka cusub ay la shaqeyn doonaan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Faarax oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka mid ahayd Wasaaradihii ay la xisaabtanka ku sameeyeen, uuna ku faraxsanyahay in uu goob joog ka noqdo munaasabadda xil wareejinta.

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay mudaddii uu xilka hayay, isagoo howlwadeenada uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen, kuna booriyay inay si taa la mid ah ay ula shaqeeyaan Wasiirka cusub.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xusay inay jiraan howlo qabyo u ah Wasaaradda, kuwaasi oo ay ka midtahay dhismaha xaruntii hore ee Wasaaradda oo uu Wasiirka cusub kula dar daarmay in uu dib u dhis ku sameeyo, maadaama Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Turkiga balan qaaday dhismaha xaruntasi.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed “Odowaa” ayaa ugu horeyn Wasiirkii hore uga mahadceliyay waxyaabihii u qabsoomay, isagoo intaa ku daray in uu dar dargelinayo hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, dhameystirka mashaariicyada qabyada ah iyo dib u dhiska xaruntii hore ee Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka dhacay magaalada Guriceel, isla markaana dadkii ka barakacay guryahooda dib loogu celiyo, isagoo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gurmad beni’aadanimo la gaaraan bulshada ka barakacday degmada Guriceel.

IMG_2164

IMG_2168

IMG_2172

IMG_2177

IMG_2187

IMG_2223

IMG_2234

IMG_2238

IMG_2267

IMG_2268

IMG_2271

IMG_2275

IMG_2277

IMG_2279

IMG_2324

IMG_2345

IMG_2351

Wasiirka arrimaha gudahaSawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

ShareTweetShare
Previous Post

Wasiirka amniga gudaha oo xilka la wareegay.SAWIRRO.

Next Post

MUUQAAL-Wasiirka Warfaafinta”21-ka bishaan waxa ay ku beegantahay ee afka hooyo munaasabad lagu weyneynayo afka hooyo ayaa laqaban doono “Sawirro”

Next Post

MUUQAAL-Wasiirka Warfaafinta”21-ka bishaan waxa ay ku beegantahay ee afka hooyo munaasabad lagu weyneynayo afka hooyo ayaa laqaban doono “Sawirro”

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....