Tuesday, June 28, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo Sweden booqaneysa

June 10, 2015
in Wararka
Reading Time: 1 min read
0

Wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya marwo Sahra Maxamed Cali Samatar iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa booqasho rasmi ah uga bilaabatay maanta wadanka Sweden ka dib markii ay casuumaad ka heshay dowlada Sweden.

Wafdiga ay hogaamineyso Wasiirka haweenka iyo arimaha xuquuql insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali  ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey jaaliyada Soomaaliyeed magaalada Stockholm, waxaana booqashadeeda oo qaadan doonto mudo sedex cesho ah ay la kulmi doontaa  Wasiiro iyo qaar ka mid ah madaxda qaabilsan xafiisyada arimaha haweenka iyo xuquuql insaanka si loo xoojiyo xiriirka labada dal maadaama dowlada Sweden ay si weyn ay kaalmo ugu bixiso sidii  loo horumarin lahaa haweenka iyo dhalaanka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixisay booqashadeeda.

“Waxaan maanta joogaa Sweden Stockholm oo aan u imid jaaliyadda Soomaaliyeed waana ku faraxsanahay sida diiran ee la ii soo dhaweeyey. Safarkeyga muhiimadiisa koowaad waxa ay tahay in jaaliyada Soomaaliyeed ay sweden aysan marti ka noqon dalkooda oo ay ku soo laabtaan arkaana marxalada, waxaan mareynaa marxalad uu wadanku diyaar u yahay horumar dhaqaale, caafdimaad, waxbarasho iyo nabadgalyo. waxaa kale oo safarkeyga ku jira casuumaad aan ka helay dowlada Sweden, iyada oo mar walba sidii  buruburka u dhacay caawinaad diyaar noola ahaa, hadana in si gaar ah wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka  in ay furaan caawinaad ka sii fog sidii hore oo deg deg ah”.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed ee Sweden ee  Xaawo Taako Marwo Sahra Barqadle oo  si gaar ah u xiriirineysa  booqashada Wasiirka Haweenka iyo Arimaha xuquuql insaanka ayaa tiri.

”Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in  ay nala joogto wasiiradeena , waxa ay u timid shaqo wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa casuuntay iyo ururka Xaawo Taako jaaliyadaha dhamaantoodna wey soo dhaweeyeen”.

 

ShareTweetShare
Previous Post

Kulan loo hadlay hormarinta waxbarashada Baraawe oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....