Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda Dalka oo Addis-Ababa kula saxiixday heshiis Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD “Sawiro”

February 26, 2015
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Adan Ibraahim ayaa heshiis sadex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalao abaaraha ku soo noq noqda gobolka.

Wasiirka Maaliyada Adan oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in heshiiskaan ka dhigan yahay muhiimada ay leedahay in la dhiso bulshooyin la tacaali kara nolashooda xiliga ay abaaruhu sooo wajahaan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“In kasta oo aanaan awoodi karin inaa ka hortagno abaaraha marka ay dhacayaan, hadana waxaan xaqiijinaynaa anagoo fulinayna Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha inaan dadka ka caawino dhibaatoyinka abaaruhu sababaan, heshiiskaan ayaa waxaa uu soconayaa mudo 5 sano wuxuuna dhamaanayaa sanada 2020. Waxaana iska kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, Banagiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD. Barnaamijkaan ayaa ujeedkiisu yahay in la hubiyo in bulshooyinka u jilicsan abaaruhu ay yeeshaan hab-nooleed la jaanqaadi kara noloshooda caadiga ah” ayuu yiri wasiirka Maaliyada isagoona dhanka kale xusay in dowladda Soomaaliya ay muhimada koowaad siinayso sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu diyaarinayo baahiyaha asaaska u ah nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha oo Soomaaliya ay kala qayb qaadanayso wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD waxaa loo wajahaya sidan hoos ku qoran:

In la horumariyo sidii dadka iyo xooluhu u heli lahaayeen biyo iyo ilaalinta deegaanka lana qaado talaabooyin looga hortagayo xaalufka.
in la hormariyo wax soo saarka xoolaha iyo caafimaadkooda lana helo meelo lagu xanaaneeyo inta aan la suuq gayn.
in la hormariyo fursadaha haweenka marka loo eego dhanka maamulka biyaha, loona abuuro suuqyo kor loogu qaadayo dakhliga soo gala
In la tayeeyo dadka loona samaayo hay’ado kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha iyo xoola dhaqatada.
Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha, waxaana ujeedkiisu yahay in kor loogu qaado nolosha bulshooyinka ku nool dhulka baadiyaha, meelaha ugu badan oo dhibaatooyinka abaaruhu ku soo noq noqdaan oo barnaamijkaan looga fa’idaysanayo ayaa ah dhulka roobabku ku yaryihiin oo dad lagu qiyaasay 800,000 kun oo qof iyo xoolo gaaraya 4,000,000 neef ay u jilicsan yihiin Abaaraha soo noq noqda.

fargeeto-740x493

heshiis-1

heshiis-2

heshiis-3

heshiis-4

heshiis-5

ShareTweetShare
Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Muwaadiniin u dhashay Sri Lanka Oo Burcad Badeeda U Afduubnaa Oo La Sii Daayay

Next Post

Muwaadiniin u dhashay Sri Lanka Oo Burcad Badeeda U Afduubnaa Oo La Sii Daayay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....