Wednesday, June 29, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta: “Ciidamadu waxa ay badbaadiyeen in ka badan 50 qof” SAWIRRO

March 28, 2015
in Wararka
Reading Time: 4 mins read
0

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada amniga ay guuleysteen inay soo badbaadiyaan in ka badan 50 qof oo isugu jiray diblomaasiyiin, ganacsato, siyaasiin, dhaqaatiir iyo shacab kale, kaddib markii ay ciidamada amniga ay soo gabo gabeeyeen howlgallo ka dhan ah weerarkii maleeshiyaadka Shabaab ay ku soo qaadeen Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Hotelka Maka Al-mukarama ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka argagixisada ah ay ku fashilmeen weerarkii ay ku soo qaadeen hotelka, isagoo xusay in qorshahooda uu ahaa sidii ay u xasuuqi lahaayeen dhamaanta inta ku jirtay hotelka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

“Shan ilaa iyo lix qof ayay ahaayeen oo dhabarka dambe ee Hotelka ka soo galay,  ciidamada wax fursad ah ma u siinin maleeshiyaadka Shabaabka inay dadka laayaan, waxaa la badbaadiyay in ka badan 50 qof, oo isugu jira diblomaasiyiin, ganacsato iyo tiro kale oo shacabka, ficilkaasi argagixisada waxaa ku dhintay 14 qof, oo uu ku jiro safiirkii Soomaaliya ee magaalada Geneva Danjire Bari bari” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ammaan u jeediyay ciidamada amniga ee dowladda, kuwaasi oo uu ku sheegay inay qabteen howl adag oo ay ka mira dhaliyeen tallaabadii ay qaadeen, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga oo si wada jir ah looga hortago ficilada argagixiso ee ay maleegayaan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed.

“Wixii dalka caafimaadkooda wax looga qaban waayo caafimaad dibada ah ayaan u qaadaynaa, waxaana u taaganahay sidii aan bulshada ugu adeegi lahayn, shacabka iyo ehelada waxaan uga tacsiyadeeyneynaa dadkii weerarkaasi ku dhintay” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Hotelka.

Gureey Xaaji Xasan oo ah milkiilaha Hotelka Maka Al-mukarama ayaa ciidamada ammaanka uga mahadceliyay howlgalkii ay ku soo gabo gabeeyeen maleeshiyaadkii weerarka ku soo qaaday Hotelka, kuwaasi oo gabi ahaanba la laayay.

vlcsnap-2015-03-28-13h15m12s17 vlcsnap-2015-03-28-13h15m29s186 vlcsnap-2015-03-28-13h18m30s196 vlcsnap-2015-03-28-13h19m00s224 vlcsnap-2015-03-28-13h19m24s235  vlcsnap-2015-03-28-13h20m13s186  vlcsnap-2015-03-28-13h21m09s212 vlcsnap-2015-03-28-13h22m40s113 vlcsnap-2015-03-28-13h23m02s111 vlcsnap-2015-03-28-13h23m54s111 vlcsnap-2015-03-28-13h24m21s126 vlcsnap-2015-03-28-13h24m30s220  vlcsnap-2015-03-28-13h24m51s164 vlcsnap-2015-03-28-13h25m24s202 vlcsnap-2015-03-28-13h26m22s44  vlcsnap-2015-03-28-13h27m04s216

 

 

 

ShareTweetShare
Previous Post

Wasiirka kalluumaysiga “ waxaan wadnaa sare u qaadista xirfadd layaasha kalluumeysatada”

Next Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madax kala duwan & shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmay

Next Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madax kala duwan & shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo furmay

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....