Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro iyo Xildhibaano  ka qeybagalay xuska maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed 

October 16, 2019
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Qeybaha kala duwan ee cunooyinka uu dalkeenu hodanka ku yahay  heeso iyo ruwaayada ka tarjumaya qiimaha beeraha iyo wax soo saarka  ayaa lagu soo bandhigay xafladan  oo lagu xusayey laba munaasabadood oo kala ah Maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed iyo maalinta cuntada aduunka.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, aqoonyahano, beeraley, ganacsato, Hey’addo caalami ah  iyo marti sharaf kale.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya  Saciid Xuseen Ciid oo munaasabadda daahfuray ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo iyo sharciyo lagu horumarinayo beeraha si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof. Cabdullaahi sheekh Cali (Qaloocow) Ayaa ku taliyey in beeraha la tabcado Lagana faa’iideysto aqoonta aqoonyahanada iyo qubaradii hore ee dalka.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji  Cabdi  ayaa beeraleyda soomaaliyeed ku dhiiri geliyey inay kordhiyaan wax soo saarkooda si looga maarmo Cuntooyinka dalka dibadiisa laga keeno.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shaqsiyaad ay Wasaaraddu u aragtay inay qeyb ka qaateen horumarinta beeraha iyo wax soo saarka dalka.

ShareTweetShare
Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya “Sawirro”

Next Post

R/wasaare Khayre oo Washington uga qayb gelaya shirka sannadlaha ah ee Bangiga iyo Hey’adda lacagta Adduunka

Next Post

R/wasaare Khayre oo Washington uga qayb gelaya shirka sannadlaha ah ee Bangiga iyo Hey’adda lacagta Adduunka

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....