Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed oo la kulmay jaaliyada Columbus Ohio “Sawirro

December 22, 2014
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 7 mins read
0

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Soomaaliyeed Dr. Ahmed Ali Dahir  oo  gaaray magaalada Columbus ayaa waxa uu kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka, waxana uu warbixin ku saabsan arimaha Soomaaliya uu siiyay Jaliyada oo aad ugu xiiso qabtay in ay waxbadan ka ogaadaan dalkooda iyo marxalada uu ku suganyahay.

Waxa uu xeer ilaaliyuhu aad uga hadlay arimaha la xariira Garsoorka iyo howlaha xafiskiisa kaas oo ah mid aad u mugweyn, isla markaana ah laf dhabarta Garsoorka iyo Cadaalada Dalka.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Kulanka oo  aad loogu  qiirooday kana ilmaysiisay inta badan dadka kulanka goob jooga ka ahaa kadib markii laga sheekeeyay marxalada uu dalku ku jiro iyo sida iminka wax un uu soo hagaagaya

Horumarka

Rajo aad u wanaagsan ayuu gabi ahaan dalka ka muujiyay isaga oo ka sheekeeyay in dalka ay ka jiraan isbadalo waxbarasho, Caafimaad, Ganacsi iyo waxyaaba kale oo gaar loo leeyahay kuwaas oo kaabay shacabka dagaaladu soo daashadeen gaar ahaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Dhalinta

Xeer ilaaliyaha ayaa dul istaagay arrimaha Dhalinyarada oo uu sheegay in ay yihiin  kuwa tiigsanaya horumar waxbarasho iyo shaqo meel fiican gaartay, waxa uu xusay in ay adkaan doonto in dhalinta qurbaha ay shaqo helaan xili dhalintii gudaha dalka ay waxbarasho dhaxal gal ah ka soo baxeen, kuwana ka soo baxayaan.

Garsoorka

Garsoorka ayuu xusay  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Dahir  in qabyo weyn ay ka jirto iyada oo waxyaabaha lagu baaro dambiyada iyo dadka baara aysan haysan qalab ku filan, tusaale qalabka loo bahanyahay waxaa ka mid ah, midka lagu baaro ama cadaynaya raga Kufisiga gaysta, baaritaanka dhaqtarka kaliya ma’ahan mid nagu filan hadaan cadayn lahayn, waxaa ka mid ah in la helo qalabka faraha oo casri ah iyo dad u tabo baran.

Xabsiyada

Xabsiyada dalka ayuu tilmaamay Dr. Ahmed Ali Dahir  in ay yihiin kuwo aad ugu baahan dayactir iyo in dib loo habeeyo xili xaalado aad u adag ay ka jiraan xabsiyada, oo tiradii loogu talo galay ka badan ay ku jiraan, Tusaale qol loogu talo galay in lagu xiro, 12 qof waxaa ku jirta 50 ama 60 ruux waxayna sababtaa in ay dadku qaar dhintaan una dhintaan cariiri, waxa uu xusay Magaalada Bayhabo in dhawaan 2 maxbuus u dhinteen cariiri ka soo wajahay qolka kadib markii tiro aan loogu talo galin lagu xareeyay.

Magaalooyinka, Baydhabo, Muqdisho, Kismaayo iyo kuwo kale ayaa u bahan dib u dhis xabsi.

Waxa uu arrinta xabsiyada ka muujiyay walaac aad u xun oo cafimaad la’aan iyo dhismayaasha oo duqoobay ah, waxana uu jaaliyada ka codsaday in aysan sugin wadamo shisheeye ee ay wax ka qabtaan oo gacan ka gaystaan sidii dib loogu habayn lahaa xabsiyada.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxa uu ka sheekeeyay in xarunta xeer ilaaliyaha markuu imaanayay ay ahayd meel aad u dayacan, balse maanta ay ka fiicantahay shalay, walina ay u bahany ihiin isbadal dhan walbaa, iyaga oo ku tashanaya dadkooda iyo ganacsatadooda.

Qadiyada  Badda  Soomaaliya

Inbadan ayuu ku dheeraaday arrimaha dadku wax iska weydiiyaan ee xaduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya isaga oo dadka u sharaxay sida Runtaa ee wax u jiraan iyo in xaalada badda ay meel fiican mareyso islamarkaana aysan ogolaan doonin in taako ka mid ah bada Somalia la qaato.

Waxa uu ahaa kulan aad u xiiso badan islamarkaana laga dhaxlay xog waraysi qoto dheer, waxana uu horay u soo maray Soomaalida Minnesota oo sidan oo kale uu ula soo kulmay.

an.IMG_8127 IMG_9522 IMG_9544 IMG_9546 IMG_9547 IMG_9565 IMG_9568 IMG_9575 IMG_9580 IMG_9592 IMG_9593 IMG_9595 IMG_9599 IMG_9629 IMG_9647 IMG_9666 IMG_9685 IMG_9687 IMG_9701 IMG_9705 IMG_9731 IMG_9743 IMG_9775 IMG_9783 (1) IMG_9783 IMG_9794 IMG_9801 IMG_9828 IMG_9846 IMG_9849 IMG_9894 IMG_9898 IMG_9901 IMG_9926 IMG_9928 IMG_9934 IMG_9940 IMG_9961 (2) IMG_9962 (2) IMG_9968 IMG_9969 (2) IMG_9969 IMG_9975 IMG_9981 IMG_9992

Sawir Qaade:- Wariyaha Warbaahinta Qaranka Ee Dalka Mareykanka Deeqo Shire (SONNA)

 

ShareTweetShare
Previous Post

Akhlaaqda Dagaalka iyo aragtida Islaamka Dhageyso

Next Post

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya

Next Post

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....