Tuesday, May 17, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibannada Golaha Shacabka oo ajandayaal dhowr ah ka dooday “SAWIRRO”

October 23, 2019
in Wararka
Reading Time: 2 mins read
0

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey,waxa ay Xildhibaannada Golaha ugu horeyn Akhrinta 1-aad marsiiyeen Axdiga 1954 ee ilaalinta Hanti-Dhaqameedka Xiliyada colaadaha iyo habraacyadiisa kaasoo ay horey u saxiixeen ilaa 82-dowladood, waxaana golaha usoo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Intaasi kaddib Xildhibaannadda Golaha aad uga dooday Axdiga, iyagoo ka dhiibtay fikirkooda la xiriira axdigan iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla oo kulanka ka hadlay ayaa faah faahiyay waxa dastuurka Qaranka iyo xeer hoosaadka golahaba ay ka qabaan Axdiyada noocaan ah iyo sidoo kale ansixinta heshiisyada caalamiga ah, isagoo sidoo kale sharaxaad ka bixiyay qodobka 31-aad ee dastuurka oo ka hadlaya Afka iyo dhaqanka.

Sidoo kale Xildhibaannada golaha shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Tirakoobka Qaranka oo uu soo diyaariyay Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, waxaana golaha u faah faahiyay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa sidoo kale Hindise sharciyeedka aad uga dooday, waxaana dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad uu faah faahiyay muhiimada ay leedahay in Golaha ay ka war haayaan dhamaan xogaha dalka ku saabsan, waxa uuna sidoo kale sheegay in muwaadin walba uu xaq u leedahay in uu helo macluumaadka dowladda.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa sheegay in gudiyada la sameynayo loo baahanyahay in ay aahaadaan kuwo ay Soomaali oo dhan u simantahay.

Ugu dambeyn Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulanka soo xiray.

ShareTweetShare
Previous Post

Su’aalo Jeedinta Shirka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha & Waxyaabaha looga Dooday kulankoodii Maanta

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika "SAWIRRO"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....