Thursday, May 26, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo codka kalsoonida ah ka heshay Baarlamaanka Soomaaliya “MUUQAAL”

February 10, 2015
in Wararka, Xulashada
Reading Time: 2 mins read
0

Kulankii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa uu ajendahiisu ahaa horkeenidda golaha wasiirrada Xukuumadda ee uu soo dhammeystiray Ra’iisul wasaaraha iyo Barmaamijka Xukuumadda oo kooban oo uu soo gudbiyey Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali, waxa uu ahaa kulankii 36-aad ee dhammaadka Kalfadhiya Shannaad ee Barlamaanka iyo uu guddoominayey kulanka Mudane Maxamed Sheekh “Jawaari” Afhayeenka golaha shacabka federaalka Soomaaliya, iyadoo Kooranmka uu ku furmay 220 Mudane.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo ku hadlayey magaca guud ee golaha ayaa tacsi u diray Allaha U naxariistee Barlamaanka iyo ehellada uu ka geeriyoodey mudane ka tirsanaa Barlamaanka Soomaaliya oo kooxo hubeysay ay Muqdisho ku dileen, sidoo kale guddoonka ayaa u mahadceliyey odayaal dhaqmeedyadii kala dhexgalay beelihii ku dagaallamay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Related posts

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

April 9, 2022
1
Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

April 9, 2022
3

Intaas Kaddib guddoonka ayaa Ra’iisul wasaaraha madasha fadhiya ku soo dhoweeyey, una ogollaadey in uu Barlamaanka la hadlo, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa mudaneyaasha golaha shacaka ka codsaday in Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda ay ansixiyaan, maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag, si arrintaasina looga samatabixiyo dalka uu u baahan yahay Xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa in barnaamijka Xukuumadda u golaha ka hor akhriyo u xushay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga iyo Caalamiga ah, Mudane C/raxmaan Ceynte oo si kooban u guud maray barnaamijka Xukuumadda ay ku howl-gali doonto, isagoo ammaanka iyo tayeenta ciidammada Qaranka, dejinta Siyaasadda Xasiloon, dardargelinta barnaamijka Hiigsiga 2016-ka dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee hiisga muhiimka ah u dalka, amba qaadidda ka howlgalidda dhismaha maxkamadda Destuurigta, dib u eegista Destuurka KMG ah, iyadoo ku soo gabagabeeyey in Barnaamijka uu kooban yahay furitaanka kalfadhiga Lixaad ee Barlamaankana isagoo faah-faahsan la keeni doono.

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ayaa aragtiyo ka dhiibtay Codka Kalsooni siinta Xukuumadda, inkastoo markii dambe la isku raacay in cod loo qaado Xukuumadda iyo barnaamijeeda, guddoonka Barlamaanka ayaa sheegay in si saf sah ah loo codeynayo,, tirada guud ee Xildhibaannada codeynta ka qeyb-galay ahaa 213, mudane, Mudane Maxamed Sheekh “jawari” ayaana shaaciyey natiijada golaha Barlamaanka, iyadoo 191, mudane ay Xukuumadda ogollaadeen, 22, diiday cid ka aamustayna eysan jirin sidaasna ay asxan ku tahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey dhammaan mudaneyaasha Barlamaanka ee Xukuumadda iyo barnaamijkeeda ansixiyey, isagoo u ballan-qaaday in wadatashiga golaha ay muhiimad gaar ah siin doonto.
Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa kulanka sheegay in uu isu badelay kulan aan caadi aheyn si xubnaha golaha wasiirrada loo dhaariyo, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Mudane Ceydiin C/llaahi Ilkaxanaf ayaana xilkooda u dhaariyey golaha wasiirrada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa ugu dambeyn ku wargeliyey in Xildhibaannada Barlamaanka ay ka soo qeyb-galaan aaska Qaran ee loo sameynayo Xildhibaan C/llaahi Qayaad oo Muqdisho lagu dilay maalinta xigtana ay golaha dhameystir doonaan dhammaan Ajendeyaasha ka harsan xiritaanka kalfadhiga Shannaad ee Barlamaanka Soomaaliya.

ShareTweetShare
Previous Post

Barlamaanka oo meel mariyay xukuumadda Soomaaliya “MUUQAAL”

Next Post

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii Radio Kulmiye”sawiro+MUUQAAL”

Next Post

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii Radio Kulmiye"sawiro+MUUQAAL"

WARARKA

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

Sacuudiga oo sanadkan kordhiyay tirada Xujeyda

by caqiil
April 9, 2022
0
1

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay tirada xujeyda sanadkan 1443 Hijriya/2022, soo booqaneeysa...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Ururka 5-aad, guutada 16-aad, kumaandooska danab ee CXD, ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliyey qaar kamid ah deegaanada dhaca Xeebaha gobolka...

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

Ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay Gantaallo ku weeraray xarun tareenada laga raaco

by caqiil
April 9, 2022
0
2

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in gantaal uu Ruushku ku weeraray xarun tareenada laga raaco oo ay ku taalla magaalada Kramatorsk,...

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland

by caqiil
April 9, 2022
0
3

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayay  kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa Siddeed Milyan oo...

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

by Mohamed M Hassan
April 9, 2022
0
8

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

Guddiga FEIT oo Xildhibaannada ka dalbaday inay waqtiga ilaaliyaan

by Mohamed M Hassan
April 8, 2022
0
43

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal-FEIT, ayaa Xildhibaannada Sharafta leh, Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Dooraashada ku wargeliyay in barri subax oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Instagram Telegram Twitter Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Ciyaaraha
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Posting....